Fiqi: “Galmudug waxay ku socotaa waddo ay ku dhismayaan maamullo is diidan

1087

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan golaha shacabka ayaa ka hadlay xaaladda maamulka Galmudug iyo ololaha siyaasadeed ee ka kala socda magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo ee Galmudug.

Fiqi ayaa sheegay in Galmudug ay hadda ku socoto waddo ay ku dhismi karaan laba maamul oo is diidan, haddii uusan tanaasulin Madaxweyne Xaaf.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in loo turo shacabka ku dhaqan gobollada Galgaduud iyo Mudug, si ay u helaan hal maamul oo samata bixin kara.
Reer galmudug wax ka dhaxeeya ma jiraan, dad daacad ah oo qowl leh, oo heshiis yaqaan ayay yihiin, 11 beelood ayaa maamulkaas dhistay 2015 oo eber laga bilaabay”ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka wada magaalada Gaalkacyo kulamo siyaasadeed .