Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo James Swan oo ka wada hadlay qodobo ku saabsan doorashada 2020/21

1139

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo Wakiilka Qarramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa kulan gaar ah oo ay yeesheen waxaa ay uga wada hadleen arrimaha Doorashooyinka ku soo foolka leh dalka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, loona soo celin lahaa, arrimaha amniga iyo doorashada 2020/2021 iyo taageerada ay tahay iney qaramada midoobey iyo guud ahaan beesha caalamka ka geysato arrinkan.

Golaha Shacabka ayaa dhawaan meel mariyay sharciga Doorashooyinka iyadoo dhinaca kalana la horgeeyay xildhibaannada Aqalka sare sharciga oo la filayo in dhankooda ay meel mariyaan.

Sanadkan 2020 iyo horraanta sanadka 2021 ayaa la filayaa inay dalka ka dhacaan doorashooyinka Baarlamaanka iyo tan Madaxtooyada, iyadoo Beesha caalamka ay wadaan xaqiijinta sidii doorasho dalka uga dhici laheyd