Telefishinka Iran oo shaaciyay in 80 askari lagu dilay weerarkii Saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq

1156

Iiraan ayaa duqeysay saldhigyo Mareykanka ku leeyahay dalka Ciraaq, taasoo jawaab u ah weerarkii todobaad ka hor uu Mareykanka ku dilay Jeneraal ka tirsanaa Ciidamada Ilaalada Kacaanka ee Iiraan.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ka hadlay weerarka ay Iran ku qaaday saldhigyada uu Mareykanka ku leeyahay gudaha dalka Ciraaq.

Labada Saldhig ee la weeraray Al-Asad iyo Erbil ayaa ka mid ahaa xarumaha ciidan ee Milateriga Mareykanka ku lahaa dalka Ciraaq, waxaana ay ahaayeen goobaha laga qorsheyn jiray duulaanka Kooxda ISIS.

Sidoo kale waxaa ku sugnaa saldhigyadaas illaa 1,500 oo ciidamo Mareykan ah iyo xulafadiisa.

Dowladda Iran ayaa dhankeeda sheegtay in weerarka lagu qaaday saldhigyada Mareykanka uu ahaa mid loogu aargudayay dilka Qasem Suleimani oo shalay la aasay.