Dhageyso: Barnaamijka Safarka Nabada Q-Sagaalaad Oo Looga Hadlaayo Maxay yihiin Caqabadaha ku Horgudban Horumarka Sports Guud Ahaan Soomaaliya Gaar Ahaan Jubbaland

1004

Barnaamijka Safarka Nabada Qeybtii Sagaalaad todobaadkan Waxaa Marti Ku Ahaa Cabdi-Raxmaan Cabdullaahi Suufi Oo ah Xoghayaha Xirriirka Kubada Cagta Jubbaland.

xoghayaha ayaa waxa uu sheegay in horumarka sports guud ahaan ay ku xiran tahay in la helo garoomo lagu cayaaro kubada cagta taasi oo fursad u ah bahda cayaaraha guud ahaan.

dhinaca waxa uu sheegay in ganacsatada haddii ay maalgelin usameeyaan bahda kubada cagta iyaduna qayb weyn ay ka qaadanayso in laga gudbo guud ahaan caqabadaha sports.

Hoos Ka Dhageyso Barnaamijkaan Oo Dhameystiran Waxaa Daadihinaya Wariye Cabdi-Majiid Cabaas Aadan Fantastic