Al shabaab oo deegaano hor leh laga qabsaday

978

Ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa howl gallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoos taga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose.

Howl-galladan oo ahaa kuwa Qorsheysan ayaa waxa ay Ciidamada Jubbaland ka fuliyeen deegaano hoos yimaada degmada Jamaame sida Bandar-Jadiid,Maleelay,Janaala-Jaay,Koban,Araale oo dhamaantood ah deegaano dhaca wabiga Jiinkiisa.

Ciidamada Jubbaland oo kaabiga u saaran degmada Jamaame ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanada Bandar-Jadiid Janaala-Jaay iyo Maleelay.

Tira ka mid ah Malleeshiyaadka ayaa howl-galka lagu khaarajiyay sida uu sheegay Afhayeenka Amniga Jubbaland Cabdinuur Ibarahim Xuseen Weerarkii shalay waxaa lagu dilay ilaa 13 ka mid ah Maleeshiyaadka argagaxisada Al shabaab.

Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa wada dadaallo loogu gurmanayo shacabka ku dhaqan deegaanadaasi.