
Roobabkan oo soo bilowday xalay saqdii dhexe ayaa ilaa saaka ka da’aya magaalada Kismaayo ayadoo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada, waxaana sidoo kale roobabku ay biyo dhigeen waddooyinka muhiimka ah ee magaalada.
Wadada dheer ee laamiga ah ee marta baramaha magaalada ayaa qeybo badan oo kamid ah gaar ahaan inta u dhexeeysa isgoysyada Olombig iyo Qacle waxaa gooyay daadadkii ka dhashay roobka.
Roobabkan ayaa sidoo kale saameeyay Qaar kamid ah barakacayaasha ku dhaqan magaalada.
Inkastoo daadadka ka dhashay roobka ay sameeyeen qoysaska barakacayaasha ah iyo isu socodkii gaadiidka ayaa hadana waxaa ay roobabkani kusoo beegmeen xilli ay bulshada maalmihii u danbeeyay ay ka cabanayeen kuleeyl iyo dabeeylo.