Puntland oo deegaanadeeda ka ceyrisay laba sarkaal oo Ajaani

1111

Amar kasoo baxay Hay’adda Socdaalka Maamulka Puntland ayaa waxaa deegaanada Maamulkaas looga ceyriyay Saraakiil Ajaanib ah oo u Shaqeynayay laba Hay’adood oo ka howlgalla deegaanada Maamulkaas.

Labada Hay’adood oo lagu kala Magacaabo World Vision iyo Relief International ayaa  lagu kala eedeeyay falal la xiriira musuq maasuq iyo in mid ka mid ah Saraakiisha Hay’adaha uu ka dhacay Sharciga ogolaanshaha Shaqada.

Madaxa  hawlgalada ahna Madaxa xafiiska Puntland  ee hay’adda World Vision NAPOLEON PHIRI ayaa lagu eedeeyay falal la xiriira musuq maasuq iyo  ku xad gudubka nidaamka shaqaaleysiinta.

Sidoo kale NELSON oo isna katirsanaa Hay’ada Relief International ayaa lagu eedeeyay in uu iska dhega tiray cusbooneysiinta ruqsada Shaqada oo ka dhacday kuna xadgudbay Shuruucda dalka gaar ahaan Puntland.

Waa Saraakiishii ugu horeysay ee Ajaanib ah una Shaqeeya Hay’ado Caalami ah oo ay Puntland deegaanadeed ka ceyriso tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni