Wasaarada Dastuurta iyo Arimaha federaalka jubbaland oo kismaayo ku qabatay tababar ku saabsan habka faderaalismka

1073

Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo qaban qaabisey Tababar lagu baranayay Nidaamka Faderaaliisamka.

Tababarkaan oo ay ka faaiideysanayeen qaybaha kala duwan ee Bulashada ayaa ka qabsoomey Hotel Madiina ee magaalada Kismaayo.

Tababarkaan ayaa socon doona Muddo Afar maalmood ah waxaana lagu qaadan doona Cashirro kala duwan oo ku saabsan hanaanka Nidaamka Federaaliisimka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Xusseen Macalin ayaa sharaxaad dheer ka bixiyay ahmiyadda uu bulshada u leeyahay nimaadka Federaalka iyo qaabka dalka loo gaarsiin karo nidaam Federaal.

wasiirka Dastuurka  iyo Arimaha federaalka Cumar Mahamed Cabdi oo tababarka furey ayaa ka qayb galayaasha kula dardaarmey in ay ka faaiideystaan tababarkaan