Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo ka hadlay derbiga ay Kenya ka dhisayso xadka

1226

Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo ku sugan Degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo howlo shaqana halkaas maal mahan u joogay ayaa ka hadlay arrimo la xiriira derbiga Dowladda Kenya ay ka dhisayso soonaha magaalada Baledxaawo.

Madaxweyne ku-xigeenka oo warbaahinta Jubbaland la hadlay ayaa shacabka gobolka Gedo, gaar ahaan kuwa ku dhaqan degmada Baledxaawo ugu baaqay in ay is-dejiyaan, wuxuuna sheegay in xal ka gaarista arrinta xadka ay ku jiraan Dowlad-goboleedka Jubbaland, Dowladda Federaalka Sooomaaliya iyo Dowladda Kenya