Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Jubbaland &wafdi uu hogaaminayo oo Gaaray degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo

1155

Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Dowlad-goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan ayaa saaka gaaray degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyey isaga iyo masuuliyiinti la socotay

Masuuliyiin uu kamid yahay Guddoomiyaha gobolka Gedo iyo maamulka degmada Ceelwaaq ayaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyay Madaxweynaha iyo wafdiga la socday.

Madaxweyne ku-xigeenka iyo wafdigiisa ayaa saaka ah kasoo kicitimay magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo uu dhowaanahanba uu safar shaqo ugu maqnaa.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa inta uu kusugan yahay degmada Ceelwaaq wuxuu dersi doonaa xaaladda deegaanka wuxuuna dhegaysan doonaa baahiyaha dadka