Madaxweyne Farmaajo oo AMISOM kala Hadlay Xoojinta Ciidanka Dowlada

1282

Madaxweynaha DFS waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu maalmo ka hor booqday Fariisimadda ay Ciiddanka AMISOM ku leeyihiin qeybo ka tirsan Sh/hoose.

Shabakadda Wararka ee Softpowernews ee dalka Uganda ayaa qortay in Madaxweynuhu ka dalbaday Ciiddanka AMISOM inay taageero ka geystaan Dhismaha Ciiddanka Qaranka Somalia ee SNA.

Sida laga soo xigtay Madaxa Warfaafinta ee Ciiddanka Uganda ee ku sugan gudaha Somalia, Gaashaanle Peter Mugisa, Madaxweyne Farmaajo waxa uu booqday Ciiddanka AMISOM iyo kuwa DFS ee ku sugan Degaanka Sabiib Caanoole oo 40-KM dhanka K/galbeed kaga toosan Muqdisho.

Sidoo kale, Madaxweynaha waxa uu kormeeray  saldhigga dhimaha hawlgalka aagga hore, isagoo khudbad u jeediyey Ciiddan cusub oo la tababaray, kuwaasi oo la filayo inay sida ugu dhaqsaha badan ula wareegaan Deegaanka Sabiib Caanoole.

Kormeerka Madaxweynaha waxa ku wehliyey Taliyaha Ciiddanka X.D.S. Jeneral Daahir Aadan Cilmi, Tlaiyaha Ciiddanka Dhulka, Jeneral Odawaa’ Raage iyo Taliyaha Kooxda 25-aad ee Ciiddanka AMISOM, Kolonel Paul Muhangusi iyo Kolonel David Bayaruhanga.