Dalxiisayaashii Ku Dhaawacmay ShilKii Bortiqiis ka dhacay oo loo Duuliyey Dalkooda

1372

Diyaarad Milliteri ee nooca Caafimaadka oo laga leeyahay dalka Jarmalka ayaa caga-dhigatay Jesiiradda Madeyra ee dalka Bortiqiiska, si loogu qaado dadkii ka badbaaday shilkaasi oo ay 29 qof ku geeriyootay.

Diyaaradda waxaa racaay 12 dhaawcnaa, iyadoo 11 kalena laga soo saaray Isbitaalladii lagu daaweynayey.

Dareewalkii u dhashay Bortiqiiska iyo niniinkii hagayey Dalxiisayaasha ayaa ka mdi ahaa 27-kii qof ee ku dhawacmay shilkaasi, waxaana lagu hayaa Isbitaal lagu daaweynayo

Shirkadda leh Baska shilka galay ayaa sheegay inay Baraayaasha kala shaqeynayaan waxa dhaliyey shilkaasi oo ay ku geeriyoodeen 17 haween iyo 12-rag, kuwaasi oo badankooda ahaa dad hawlgab noqday