Ciidamada Xoogga Dalka Oo Saldhigyo Cusub Ka Samaystay Degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud

1443

Abaanduulaha Qaybta 21aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Xuseen Xoosh oo uu wehlinayo  Madaxa howlgelinta qeybta 21aad ayaa maanta waxa siwadajir ah u daah fureen qorsha dhismaha Xarunta tababarada ee Gaaska 11aad ee Dhaan_Karoone oo ka Tirsan Xeryihii Taariikhiga ee dalka.

Xeradan oo ku taala Duleedka Galinsoor oo Horay fariisin ugu aheyd Ciidanka Qalabka Sida Xiligii Dowladii dhexe ee Soomaaliya ayaa ka kooban Qaybta Keydka Hubka, aagga Daloolada Gaadiidka , Garoomada Ciyaaraha iyo Garoon diyaaradeed, Baraagaha Biyaha keydiyo iyo Qaybta Tababarada ciidamada waxaana Dhismaha Xerada Balan qaadey Dhowaan Taliyaha Qaybta 21aad S/Guuto Yuusuf Cabdulqaadir “Kaanti” Balantaasi oo maantaba fulinteedu Bilaabatey.

Abaanduulaha Qaybta 21aad G/Dhexe Xuseen Xoosh ayaa uga Mahad celiyay Maamulka degmada Galinsoor sida ay isku garab taageen xoogga dalka iyo kaalinta ay ka geysanayaa Howsha Gaaska Dhaan_Karoone

Ciidamada  xooga dalka soomaaliyeed gaar ahaan taliska  Qaybta 21 aad ayaa horay waxaa xerro ciidan looga dhisay xero ku taala  Duleedla magaalada cadaado ee Gobolka Galgaduud  kuwaa intabdan Howlaglo laga  fuliya