Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo ku sugan Magalada Adis Ababa ee Caasimadda Itoobiya ayaa kulan gaar ah waxa uu la qaatay Dhiggiisa dalka Koonfur afrika Ms Lindiwe_Sisulu
Kulanka ayaa waxa ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed,iyo iskaashi dhinac walba leh ee labada dal ay wada yeeshaan.
Warar ay heshay Idaacadda Dalsan ayaa waxa ay sheegayan in Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad Dhiggiisa dalka Koonfur afrika Ms Lindiwe_Sisulu ay ka wada hadleen dhibaatooyinka dilalka iyo boobka ah ee lagu haayo Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.
Dalka koofur Africa ayaa waxaa ku nool dhalinyaro soomaaliyeed kuwaas ganacsi u jooga inta badan waxaa loo geystaa falal iskugu jira Dil dhaawac iyo in la boobo hantidooda iyadoona ilaa hadda Dowlada koofur Africa aysan wax talaabo aysan ka qaadin arintaa