Dowlada Soomaaliya Oo Shaacisay Habka Loo Marayo Sidii Loo Soo Saari Lahaa Kheyraadka Dalka

1168

Wasiirka Batroolka iyo macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii loo soo saari lahaa Kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

Wuxuu sheegay Wasiirka Batroolka iyo Macdanda Dowladda Federaalka in arrintaan loo marayo shuruucda dalka iyo xeerarka caalamiga ah

Wasiirka ayaa hadalkaan ka sheegay magaalada Lodon halkaasi oo uu kula hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska,isagoona faah faahin buuxda ka siiyay shirkii arrimaha shidaalka Soomaaliya ee lagu soo gabagabeeyay magaalada London.