Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya oo kulan laqaatay Dhiggiisa dalka Koonfur Africa

1191

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo ku sugan Magalada Adis Ababa ee Caasimadda Itoobiya ayaa kulan gaar ah waxa uu la qaatay Dhiggiisa dalka Koonfur afrika Ms Lindiwe_Sisulu

Kulanka ayaa waxa ay  uga wada hadleen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed,iyo iskaashi dhinac walba leh ee labada dal ay wada yeeshaan.

Warar ay heshay Idaacadda Dalsan ayaa waxa ay sheegayan in Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad Dhiggiisa dalka Koonfur afrika Ms Lindiwe_Sisulu ay ka wada hadleen dhibaatooyinka dilalka iyo boobka ah ee lagu haayo Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

Dalka koofur Africa ayaa waxaa ku nool dhalinyaro soomaaliyeed  kuwaas ganacsi u jooga inta badan waxaa loo geystaa  falal iskugu jira Dil  dhaawac iyo in la boobo hantidooda  iyadoona ilaa hadda Dowlada koofur Africa aysan wax talaabo aysan ka qaadin arintaa