Howlgalo lagu ciribtirayo Daacish oo ka bilaabanaya Labo Magaalo oo xigta Xuduudda Ciraq

1278

Kurdiyiinbta Suuriya ee Mareykanku taageero ayaa sheegay in ay bilaabayaan Weerar ka dhan ah Daacish si ay u qabdsadaan meelaha Dalkaas ka heeystaan Kooxda Daacish

 War ka soo baxay xoogga SDF ayaa waxaa uu imaanayaa xilli ay ciidanka Mareeykanku isu diyarinayaan in ay Suuriya ka baxaan.

Sarkaal ka tirsan Kurdiyiinta Suuriya Mustafa Bali ayaa u sheegay Reuters in ay isu diyaariyeen sidii ay Daacish uga qabsan lahaayeen Labo magaalo ooxigta Xuduudda Ciraq, halkaas oo 10 kii maalmood ee u dambeeyay ay kasoo baxeen Dad dhan 20,000 oo ruux, sida uu sheegay Masuulka kurdiyiinta u hadlay.

Kurdiyiinta Suuriya ayaa horay waxaa ay u qabsadeen dhul badan oo ay daacish maamulayeen. Ciidanka Mareeykanka ee Jooga Suuriya ayaa kurdiyiinta ka taageera tababarka iyo Saanadda ciidanka.

Balse Ciidanka Mareykanka ayaa  dhawaan waxa ay ka bixi doonaan Siiriya, waxaana kurdiyiintu ay wajahayaan in ay difaacdaan dhulkii ay daacish ka qabsaden.sidaasi waxaa yiri  Sarkaal ka tirsan Kurdiyiinta Suuriya Mustafa Bali