Tababar Socday 20 Cisho oo Lagu soo gaba Gabeyay Magalada kismaayo

1272

Waxaa Magaalada ee xarunta Gobolka jubada lagu soo gaba gabeyay Tababar lagu baranaayey luuqadda lagula hadlo dadka maqalku ka maqan yahay

Tababarkaan oo socday muddo 20 cisho ayaa waxaa ka faa’iideystay dad gaaraya ilaa 200 oo ruux, waxaana soo qaban qaabisay jaamacadda Kismaayo.

Luuqadda dadka qaba baahiyaha gaarka ah gaar ahaana kuwa uu maqalku ka maqan yahay ayaa ah mid muhiim u ah xiriirka dadkaas iyo bulshada.

Magaalada Kismaayo waxaa ku nool tobanaan qof oo maqalka naafo ka ah, inta badan dadkaasi ma helaan cid la hadasha oo fahanta baahiyahooda, taasina waxay keentay in Jaamacadda Kismaayo ay qabato tababarkaan.

Marka laga hadlo dhanka adeegyada aas-aasiga ah dadka maqalku ka maqan yahay ma helaan xuquuqiyaadka ay kamidka yihiin waxbarashada, caafimaadka iyo daryeelka guud.