Magaalada Garoowe ee caasimada puntland waxaa ka furamay kulan Gaar ah oo u dhaxeeya Dowlada federaalka iyo madaxda Dowlad Goboleedyada iyadoo ay albaabadu u xeran yihiin madaxdu
Kulankaasi ayaa waxa uu u dhexeeyaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahai Farmaajo iyo Madaxda mkaamul Goboleedyada dalka ka jira ee ku sugan Magaalada Garoowe
Ilo xog ogoaalka ayaa sheegay in kulanka ka socda Garoowe looga hadlayo sidii loo dhameeyn lahaa Khilaafka u dhexeeya Madaxa maamul Goboleedyada iyo dowlada dhexe.
Goobta uu kulanka ka socda waxaa ku sugan Mdaxwenayasha Dowlad Goboleedyada sida madaxwenaha jubbaland mudane axmed maxamed islaam
Madaxwenaka koofur Galbeed cabdicasiis xasan maxamed lafta gareen Madaxwenaha Hirshabeele maxamed abdi waare iyo Madaxwenaha Galmudug Axmed ducaale Geele xaaf
Waxaana lagu wadaa marka uu soo dhamaado kulanka in warbaahinta loo fafaahiyo waxa uu ku saabsanaa kulanka
Madaxwenaha soomaaliya mudane maxamed abdulahi farmaajo oo ka qeeb galay caleemasaarka madaxda dowlada puntland ayaa shegay in dowlada federaalka ay ka go’antahy adkeynta xiriirka kala dhaxeeya Dowlad Goboleedyada