Wasiirka ganacsiga iyo Warshada Xukuumada Soomaaliya oo soo Dhaweyay Masuuliyiin ka socota 25 Shirkadood

1394

Magalada Muqdisho waxaa Maanta soo gaaray mas’uuliyiin ka socatay 25 Shirkadood iyo Diplomaasiyiin Finland ah,iyada oo siweyn loo soo dhaweeyay.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo mas’uuliyiin kale ayaa wafdigaan kusoo dhaweeyay Magalada Muqdisho,iyaga oo kulan gaar ah yeeshay

U jeedada wafdigaan ayaa waxaa lagu sheegay in Magalada Muqdisho ay uga qeyb geli doonaan  shirka Ganacsiga iyo Maalgashiga ee dowladaha Soomaaliya iyo Finland oo Muqdisho ka dhacaya.

Soomaaliya ayaa xiligaan wado qorsho lagu hormarinayo ganacsiga soomaaliya loona heli lahaa  shirkado maalgashi ku sameeya  dalka