
Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ku dhawaaqey kulan deg deg ah kaas oo ay yeelan doonaan Wasaaradaha Amniga dowlad-goboleedyada dalka,waxaana uu madaxweynuhu sheegay in shirkaan ay marti galinayso dowlad-goboleedka Jubbaland.
Madaxweynaha ayaa shirkiisa Jaraa’id si qoto dheer uga hadlay arrimaha la xiriira Ammaanka isagoona sheegay in dhammaan Wasaaradaha Amniga dowlad Goboleedyadda dalka ka jirra iyo Saraakiisha Ciidamada dowlad-goboleedyada ay shirkaan uga wadda hadli doonaan sidii loo dar dar galin lahaa howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab iyo sidii ay iskugu tashan lahaayeen dowlad-goboleedyadu isla Markaana loo abuuri lahaa Ciidamo isku dhaf ah kuwaas oo yeelan doona hoggaan ay ku mideysan yihiin.