Jabhada ONLF iyo Itoobiya oo heshiis ku kala saxiixday Magalada Asmara

1191

Kaddib kulan ku dhaxmaray magaalada Asmara ee Xarunta dalka Eretria mas’uuliyiin ka kala soctay Itoobiya iyo Ururka ONLF ayaa ugu danbeyntii lagu kala saxiixday heshiis ka koobnaa dhowr qodob.

Afhayeenka Ururka ONLF Cabduqaadir Hirmooge Cadaani ayaa sheegay in qodobada leysku afgartay uu ka mid ahaa qodob u ogolaanaya Jabhada ONLF in ay sii wada karaan halgankii iyo ujeedooyinkii ay u halgamaysay.

Qodobkan oo si gaar ah su’aal looga weydiiyay Cadaani ayaa sheegay in heshiisku dhigayo in ONLF si nabad-galyo ah u sii wadan karto halgankii ay markii horeba ugu jirtay xoreynta deegaannada Soomaali Galbeed, taasoo muujineysa in meesha laga saarayo in dagaal iyo colaad lagu raadiyo xornimada iyo halganka Jabhada muddo dheerba ku soo jirtay.

Dhinaca ONLF waxaa kulanka ku matalayay xubno uu horkacayay guddoomiyaha guud ee Ururka Admiral Maxamed Cumar Cismaan, halka dhinaca Itoobiya ay horkacayeen Wasiirka arrimaha dibedda, Wasiirka Maaliyada iyo waliba madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida.

Ma’aha markii ugu horeysay oo Asmara ku kulmaan labada dhinac, hasse ahaatee heshiiska ay markan gaareen ayaa u muuqda mid soo gabagabeynaya wada hadallo waayadii ugu danbeeyayba u socday labada dhinac.