Jen. Yuusuf Dhuumaal oo sharaxaad ka bixiyay sida Shabaab looga xoreyn karo dalka

1732

Jen. Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo ah sarkaal mudo dheer kusoo dhex jiray howlaha ciidanka islamarkaana soo qabtay xila taliyaha ciidamada xoogga dalka, haataanna kamid ah saraakiisha sare ee dhanka amniga ee Jubbaland ayaa sheegay in Shabaab laga adkaan karo haddii la mideeyo awoodaha ciidanka.

Sarkaalkan ayaa sheegay in Shabaab aysan lahayn awood ay ku hor istaagi karaan ciidamada Soomaaliyeed, balse ay jirto wada shaqeyn la’aan ka dhexeeysa ciidamada kala duwan ee dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Waxa uu sheegya in la doonayo in dowladda dhexe la timaado istaraatijiyad lagu mideeyn karo awoodda ciidanka Soomaaliyeed, arintaa oo uu sheegay in ay horseedi karto in laga adkaado kooxaha weerarrada joogtada ah ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya uu maanta ka jiro isbadal muuqda oo dhana nabadda iyo horumarka, balse aysan sii jiri karin haddii aan dalka laga sifeyn kooxda Al-shabaab oo uu tilmaamay in ay caqabad ku yihiin nabad iyo xasilooni ka dhalata Soomaaliya.