Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga adduunka ee UNHCR ayaa u magacoowday Danjire Max’ed Cabdi Afeey ergayga gaarka ah ee hay’addaasi u qaabilsan arimaha qaxootiga Soomaalida.
Madaxa ugu sareeya hay’adda UNHCR Filippo Gradi ayaa yiri “Dhabaha ku aadan xasilooni iyo barwaaqo lagu soo dabaalo Soomaaliya waxaa qeyb ka ah in xal loo helo Soomaalida qaxootiga ku ah gobolka, sis are loogu qaado dadaallada lagu baadi goobayo xal waara oo loo helo qaxootiga Soomaalida iyo kuwa magangalyo doonka ah heer gobol iyo mid caalamiba.
Hay’adda ayaa sheegtay in Max’ed Cabdi Afeey xilkan loogu dhiibay aqoon iyo qibrad uu u leeyahay arimaha qaxootiga.
Afeey ayaa hore u ahaa wakiilka gaarka ah ee urur goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya, wuxuu sidoo kale kasoo shaqeeyay wasaaraha arimaha gudaha iyo dibadda ee dowladda Kenya, isagoo sidoo kale danjiraha Kenya ee Soomaaliya.
Sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga, Danjire Afeey ayaa waxa uu fadhigiisa noqon doonaa magaalada Nairobi, wuxuuna safarro ku tagi doonaan dalalka Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Soomaaliya, Uganda iyo Yemen, isagoo si dhow ula shaqeyn doono Agaasimaha waaxda Afrika ee UNHCR.