Maxeysa kawada hadleen Gudigga Madaxa banaan ee Xuduudaha Doorashooyinka Jubbaland & ururada bulshada Kismaayo

1052

Gudigga Madaxa bannaan ee Xuduudaha & Doorashooyinka Jubbaland ayaa magaalada kismaayo kulan kula qaatay qaybaha kala duwan ee ururada bulshada waxaana kulanka lagu soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay Gudiga mudadii uu jirey.

Kulankan oo ay goob joog ahaayeen xubnaha gudiga uu ka koobanyahay ayaa waxaa ka soo qayb galay odayaasha dhaqanka,ururada dhalinyarada iyo Haweenka,Siyaasiyiin & Marti sharaf kale,waxaana inta badan la is weedaarsadey Su,aalo iyo xog la xiriirta qaabka loo wajahayo doorashada Jubbaland.

Markii uu soo idlaaday kulanka ayaa waxaa warbaahinta Jubbaland lahadlay qaar kamida ah dadkii ka qayb galay kulan kaas oo inta badan diiradda lagu saarayay habraaca doorashada iyo sidii ay door muuqda uga qaadan lahaayeen ururada bulshadu.

Axmed Cumar Maxamed Gudoomiye Kuxigeenka Gudigga Madaxa bannaan ee Xuduudaha & Doorashooyinka Jubbaland ayaa isna faah-faahin ka bixiyay kulanka ay la qaateen qaybha kala duwan ee ururada bulshada waxa uuna sheegay in maalmahan soo socda ay guda gali doonan xaraynta odayaasha dhaqanka & soo xulista baarlamaanka cusub ee Jubbaland