Maamulka Bank-ga Soomaaliland oo shaqaalaysiiyey Gabdh-yar oo haweenay ay shaqaynaysay kula kacday tacadi iyo xad-gudub.

858

Bank-ga Soomaaliland ayaa shaqaalaysiiyey gabadh yar oo lagu magacaabo Ayaan Maxamed Yuusuf diiriye oo horay xad-gudub iyo tacadi ay ugu gaysatay haweenay ku noolayd magaalada Hargaysa,iyadoo dad badan ay ka falciliyeen habka haweenaydaasi ay ula dhaqantay gabadhaas yare e shaqaalaha ka ahayd gurigeeda.

Agaasimaha guud ee Bank-ga Somaliland ayaa sheegay in ayaan Maxamed ay u wayn tahay Caruurta qoyskooda oo todobo ah,Reerkooduna yahay qoys dan-yar ah oo ay duruufta nolasha ku qasabtay in ay u shaqayso qoys kale,waxaana uu intaas ku daray in ayaan manta waxii ka dnbeeya ay ka mid tahay shaqaalaha Bank-ga.

Ayaan Maxamed Yuusuf Diiriye oo ah gabadh aad u da’yar ayaa  sheegtay in shaqada laga siiyey Bank-ga Soomaaliland ay ku noqotay filan-waa,sidaa darteena ay aad ugu mahadcelinayso Maamulka iyo madaxda bank-ga ee ka damqaday dhibaatadii iyo gabood falkii lagu kacay.