Diyaarad sahay u siday AMISOM oo ku dhacday Dhoobley

1226

Diyaarad Ciidanka AMISOM ee ku sugan Dhoobley  u siday sahay ayaa ku burburtay Garoonka diyaaradaha magaalada  Dhoobley,ka dib markii laga dajiyey sahaydii ay Ciidanka AMISOM  ay  u waday.

Diyaaradaan oo ahayd Helicopter ayaa la sheegay in si caadiya ugu duushay garoonka diyaaradaha magaalada Dhoobley,ka dibna  ay cilad ku imaatay markii hawada gashay ,Duuliyaha diyaarada ayaa la sheegay in uu dib ugu soo celiyey diyaarada  Garoonka  Dhoobley oo ay diyaarada  ku dhacday meel ku dhow.

Inta la xaqiijiyey waxaa ku dhintay duuliyihii diyaarada halka sadex qofna ay ku dhaawacmeen,sida uu Radio Kismaayo u xaqiijiyey Hanad cabdi Yuusuf oo ah wariye ka howlgala magaalada Dhooble.

AMISOM wali ka ma aysan hadlin Shilkaan diyaaradeed ee ka dhacay magalada saaran xadka Somaliya iyo Kenya waxaana socdo baadhintaan lagu ogaanayo waxa shilkaasi sababay.