Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta socdaal lama filaan ah ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.
Socdaalkiisa Asmara ayaa ku soo aaday labo sano kaddib booqashadiisii u horeysay uu ku tagay Eritrea, isla markaana dib loo soo celiyay xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal, kaddib 20 sano oo colaad ah.
Madaxweynaha Eritrea Isais Afwerki ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Asmara wafdiga uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy.
Booqashadiisa Asmara ayaa ku soo aaday, iyadoo Itoobiya ay ka jiraan qalalaase siyaasadeed iyo rabshado dad fara badan ku dhinteen oo ka dhashay dilkii Fanaankii caanka ahaa ee reer Oromo Haacaaluu Hundeesa.
Itoobiya ayaa xilligan ka jira xaalad siyaasadeed oo cakiran, iyadoo rabshadihii dhowaan dhacay loo xirxiray dad fara badan oo ay ku jiraan xubnaha ugu waa weyn ee mucaaradka sida Jawar Mohamed.