
Wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha dastuurka dowladda Jubbaland, ayaa soo xirtay kulan diiradda lagu saaray xoojinta awoodda hay’adaha maamulka, garsoorka iyo saraakiisha booliska, si loo horumariyo adeegyada dowladeed, amniga iyo dowlad-wanaagga.
Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Avv Abdalla Qanuni, Guddoomiyaha Degmada Kismaayo, mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda, garsoorka, saraakiisha Booliska iyo qaybaha kale ee ay khusayso.
Barnaamijkani waxa uu qayb ka yahay mashruuc lagu xoojinayo awoodda hay’adaha maamulka, garsoorka iyo Booliska, kaas oo ujeeddadiisu tahay horumarinta amniga aadanaha, kor u qaadista awoodda hay’adaha dowliga ah iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







