Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo bogaadiyey war-murtiyeedka shirka dib-u-heshiisiinta beelaha Luuq.

0
6
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa soo dhoweeyey, bogaadiyeyna war-murtiyeedka laga soo saaray wajiga saddexaad ee shirka dib-u-heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamay degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa bogaadiyey dadaallada ay wadaan odayaasha dhaqanka, ugaasyada, waxgaradka iyo dhammaan dhinacyada ku howlan nabadaynta, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay sii wadista wada-hadallada iyo xoojinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta.
Waxa uu dhinacyada ku dhiirrigeliyey in ay sii xoojiyaan walaaltinimada, wadajirka iyo is-aaminaadda, si loo gaaro heshiis rasmi ah oo horseeda nabad iyo xasillooni waarta oo ka hirgasha degmada Luuq iyo guud ahaan gobolka Gedo.
Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ku adkeeyey dhinacyada muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo nabadda, lana sii ambaqaado dadaallada dib-u-heshiisiinta, si loo soo afjaro colaadaha loona xoojiyo wada-noolaanshaha bulshada.