Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Jubbaland ahna Kusimaha Madaxweynaha oo hagax-dhigtay xarunta dhexe ee saadaasha hawada iyo Cimilada (JSMAC)

0
1
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Jubbaland ahna Kusimaha Madaxweynaha, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed, iyo Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Caydiid Suleymaan Xaashi, oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada, ayaa dhagax-dhigay xarunta dhexe ee Waaxda Saadaasha Hawada iyo Cimilada Jubbaland (JSMAC).
Xaruntan ayaa muhiim u ah horumarinta adeegyada saadaasha hawada iyo cimilada, iyadoo laga soo saari doono xogta la xiriirta abaaraha, roobabka, dabaylaha, heerkulka dhulka iyo badda, iyo digniinaha hore ee khataraha ka dhasha isbeddelka cimilada.
Sidoo kale, xaruntu waxay gacan ka geysan doontaa xoojinta u diyaargarowga musiibooyinka, ilaalinta deegaanka iyo badbaadinta nolosha bulshada ku nool deegaannada Jubbaland.