
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Jubbaland ayaa kulan ay isugu yimaadeen Guddiga Dalladda Culimada iyo bulshada deegaanka Koron-usle ku qabatay, Degankaas.
Kulankaas oo diiradda lagu saaray xalinta khilaafaadka dhulka, xoojinta nabadda iyo gudbinta farriimaha nabadeed ee diinta Islaamka.
Kulanka waxaa hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Jubbaland, waxaana ka qaybgalay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Jubbaland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Guddoomiyaha Haweenka Gobolka Jubbada Hoose, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Degmada Kismaayo, culimada, odayaasha dhaqanka, haweenka iyo dhalinyarada deegaanka.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







