
Guddoomiyaha Degmada Baladxaawo, Mudane Cabdirashiid Cabdi Caroog, ayaa booqasho ku tagay xarunta Ciidanka Daraawiishta Dowladda Jubbaland ee deegaanka Ciid Weyn.
Guddoomiyaha ayaa halkaasi kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka, isagoo uga mahadceliyay dadaalka iyo doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan sugidda amniga, ilaalinta nabadgelyada iyo badqabka bulshada.
Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu saraakiisha iyo ciidamada kula dardaarmay in ay ilaaliyaan anshaxa iyo hab-dhaqanka wanaagsan ee ciidanka, isla markaana ay si dhow ula shaqeeyaan bulshada iyo maamulka degmada si loo xoojiyo xasilloonida iyo amniga magaalada Baladxaawo.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta maamulka degmada iyo ciidamada amniga, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasilloonida deegaanka

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







