Agaasimaha guud ee wasaarada gargaarka Jubbaland oo guddoomiyay kulanka amniga iyo diyaargarowga Super El Niño.

0
17
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlada Jubaland, Mudane Xuseen Macallin Cali Bayax ayaa guddoomiyay kulanka Amniga ee Bilaha ah iyo Diyaargarowga El Niño, kaas oo ka dhacay xarunta Ciidamada Kenya ee taageerada siiya howlgalka AUSSOM.
Kulanka oo ay ka soo qeyb galeen xubnaha kala duwan iyo saraakiil, ayaa looga hadlay maareynta khataraha ka dhalan kara Super El Niño iyo sidii si wadajir ah loogu wajihi lahaa musiibadan.
Intii uu socday kulanka, Wasaarada Gargaarka ayaa soo bandhigtay soo jeedinno la xiriira qorshaha diyaar-garowga iyo sidii dhinacyadu isaga kaashan lahaayeen.
Sidoo kale, dhinacyada ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo ka hortagga iyo maareynta khataraha Super El Niño