
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Jubbaland ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa daah-furay Madasha Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jubbaland.
Madashan ayaa looga hadlay muhiimadda kalluumaysiga iyo guud ahaan dhaqaalaha buluugga ah, iyadoo diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa khayraadka badda, loo abuuri lahaa fursado shaqo, loona xoojin lahaa doorka kalluumaysiga ee kobaca dhaqaalaha Jubbaland.
Munaasabadda daah-furka waxaa ka qayb galay qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Dowladda Jubbaland, Guddoomiyaha Degmada Kismaayo, Agaasimeyaal Guud, masuuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda iyo hay’adaha kale ee daneeya horumarinta kalluumaysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jubbaland, Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa khudbaddiisa ku sheegay in kalluumaysigu yahay mid ka mid ah khayraadka muhiimka ah ee Jubbaland, isla markaana loo baahan yahay in si qorshaysan looga faa’iidaysto.
Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay siyaasadayn ku samaysay deeqihii Jubbaland ay xaqa u lahayd, isagoo xusay in arrintaasi ay saameyn ku yeelan karto taageerada iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda Jubbaland.
Madasha ayaa sidoo kale fursad u noqotay in masuuliyiinta dowladda, hay’adaha iyo daneeyayaasha kala duwan ay ka wada hadlaan caqabadaha horyaalla sektor-ka kalluumaysiga, fursadaha jira iyo qorshayaasha lagu horumarin karo dhaqaalaha ka dhasha khayraadka badda.
Dowladda Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe xoogga saareysay sidii loo horumarin lahaa khayraadka dabiiciga ah, gaar ahaan kalluumaysiga, iyadoo la doonayo in khayraadka badda uu qayb muuqata ka qaato kobaca dhaqaalaha iyo nolosha bulshada.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







