Wasaaradda hawlaha guud ee Jubbaland oo natiijooyinkii qiimaynta farsamo ee labada marin-waddo la wadaagtay guddiga qabanqaabada fatahaadaha

0
4
Wasaaradda Hawlaha Guud ee Dowladda Jubaland ayaa soo bandhigtay natiijada qiimayn farsamo (Assessment) oo lagu sameeyay laba marin-waddo oo kala ah Kismaayo–Baarka iyo Buulo-Guduud–Janaay Cabdalla.
Qiimayntan oo ay injineerada Wasaaraddu bilaabeen 23-kii Sebtembar 2026, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 26-ka Sebtembar 2026 natiijadeeda lala wadaagay Guddiga Qabanqaabada iyo U-diyaargarowga Fatahaadaha.
Injineerada Wasaaradda ayaa guddiga u soo bandhigay xaaladda hadda ay ku sugan yihiin labada waddo, meelaha nugul iyo khataraha laga cabsi qabo xilliyada roobabka iyo fatahaadaha. Waxa kale oo ay soo jeediyeen tallaabooyinka degdegga ah (emergency interventions) ee la qaadi karo muddada dhow si loo yareeyo khataraha, loo ilaaliyo isu-socodka, loogana hortago in xaaladdu sii xumaato.
Sidoo kale, waxaa la kala saaray hawlaha degdegga ah ee hadda la fulin karo iyo dhibaatooyinka u baahan daraasad, naqshad farsamo iyo waqti ku filan si loogu sameeyo xal waara.
Guddiga ayaa bogaadiyay xogta farsamo iyo qiimaynta ay soo bandhigeen injineerada Wasaaradda, iyagoo uga mahadceliyay Wasaaradda Hawlaha Guud iyo injineeradeeda dadaalka ay ku bixinayaan qiimaynta kaabeyaasha waddooyinka iyo u-diyaargarowga khataraha fatahaadaha.