Dadka deegaanka Kolbiyow oo Dhagax-dhigay Dhismaha Taallo Looga Hirgelinayo Deegaanka

0
3
Deegaanka Kolbiyow Ee Hoos Taga Degmada Badhaadhe Waxaa  Laga dhagax Dhigay Dhismsha Taallo Laga hirgalinayo Deegaanka, Waxaa Si wada Jira udhax dhigay Korneel Nuur Bakayle, odayaasha iyo Dhalinyarada hirgalinaysa Dhismaha.
Dhalinyarada Deegaanka oo ku bahoobay magaca Iskaashi Dhalinyaro, ayaa muddooyinkii udambeeyay Waday dadaallada lagu herlgalinayo Taalladan Iyagoo Go’aansaday in Bilicda Deegaanka ay isbadal kusameeyaan waliba iyagoo aan raadinin Taageero iyaga kabaxsan,
Hergalinta Dhismaha Taalladan Waxay qayb weyn ka qaadan doonta Bilicda Deegaanka iyo waliba horumarkiisa, Dhalinyarada ayaa Markan usoo jeedsatay sidii ay kaalintooda ooga qaadan lahaayeen Horumarka Deegaanka.
Bulshada kasoo jeedda Deegaanka ayay oogu baaqeen in ay taageeraan dedaallada ay dhalinyaradu Wadaan oo ay Deegaanka ku hor marinayaan, gaar ahaan qurba joogta.