Sahminta Waddada Dhoobley & Afmadow oo si rasmi ah loo Soo gabagabeeyay.

0
11
Sahminta Waddada Dhoobley & Afmadow oo si rasmi ah loo Soo gabagabeeyay.
 ayaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay sahminta iyo qorsheynta dhismaha waddada dheer ee isku xiri doonta degmooyinka Dhoobley iyo Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Masuuliyiin uu hoggaaminayay Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Dhoobley, Mudane Cabdiwahaab Axmed Saahid, oo ay weheliyeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga Jubaland iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, khuburo iyo injineerro, ayaa maanta sameeyay kormeerkii ugu dambeeyay ee sahminta waddadan.
Waddadan ayaa la filayaa in dhawaan lagu bilaabo dhismaha laamiga, iyadoo mashruucani muhiim u yahay isku socodka dadka iyo gaadiidka, fududeynta isu-socodka ganacsiga iyo horumarinta isku xirka deegaanada Jubbada Hoose.
Dhismaha waddada Dhoobley–Afmadow ayaa sidoo kale noqonaya tallaabo muhiim ah oo wax weyn ka tari karta horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo isku xirka gobollada iyo degmooyinka Jubaland.