
Guddoomiyaha Degmada Doolow Mohamed Hussein Abdi Lafeey ayaa guddoomiyay shir muhiim ah oo looga hadlay xoojinta amniga iyo adkeynta wada-shaqeynta hay’adaha ka howlgala xuduudaha Gobolka Gedo iyo dhinaca Itoobiya.
Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay Gudomiyaha Doolo Ado, saraakiil ka tirsan Ciidamada Itoobiya, Booliska Deegaanka Soomaalida, Taliye Ku-xigeenka Daraawiishta Gobolka Gedo, Maamulka Degmada Doolow iyo saraakiisha amniga ee degmada, iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha socdaalka ee labada dal.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo maamulka xuduudaha, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo sugidda amniga, fududeynta isu-socodka dadka labada dhinac ee xuduudda, iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo maamulka.
Sidoo kale, shirka ayaa lagu lafa-guray sidii si wadajir ah looga hortagi lahaa tahriibka, argagixisada, iyo ka ganacsiga sharci-darrada ah, iyadoo la adkeynayo isku-xirka iyo is-dhaafsiga xogaha la xiriira amniga xuduudaha.
Mas’uuliyiintii ka qeybgalay kulanka ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta labada dhinac, si loo xaqiijiyo amni iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda deegaannada ku teedsan xuduudda, loona fududeeyo isu-socodka iyo xiriirka bulshada labada dhinac.


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







