
Maamulka Degmada Ceelwaaq oo fulinayo soo jeedinta Wasaaraddaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Jubbaland iyo Wasaarada Deegaanka Isbedelka Cimilada Jubbaland ee ku saabsab warbixinta Elnino ee roobabka deyrta la filayo ayaa maanta kulan wacyi galin ah u qabtay bulshada ku nool Degmada Ceelwaaq ee Gobalka Gedo.
Kulanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay Maamulka iyo saraakiisha laamaha amniga ee Degmada, Odayaasha dhaqanka, Hay’adaha ka howl-gala Degmada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
Kulanka oo lagu fallanqeeyay qiimeynta iyo warbixinada ay dhawaan soo saareen wasaaradaha iyo hay’adaha ku shaqada leh ayaa la isla qaatay in bulshada laga wacyi galiyo saameynta ka dhalan karta roobabka la filayo ee Elnino, gaar ahaan dadka degan meelaha ay daadadka maraan iyo biyo fadhiga.
Degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo ayaa ka mid aheyd degmooyinka gobalka Gedo iyo guud ahaanba jubaland ee saameynta xoogan ku yeelatay deyrtii Elnino ee sanadkii 2023

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







