
Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee degmada Doolow ayaa hawlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyey deegaano hoos yimaada degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Hawlgalka oo ciidamadu ka qaadeen dhowr jiho ayaa lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad Al-Shabaab ah oo la sheegay inay ku dhuumaaleysanayeen tuulooyin hoos yimaada Doolow. Ciidamada Daraawiishta iyo Booliska ayaa hawlgalka fuliyey kadib markii ay heleen xog la xiriirta dhaq-dhaqaaqa kooxda.
Ujeeddada hawlgalka ayaa ahayd in lagu wiiqo awoodda iyo dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab, isla markaana lagu xoojiyo amniga iyo isku socodka shacabka iyo gaadiidka ee deegaannada isku xira Luuq, Doolow iyo Beledxaawo.
Hawlgalka ayaa qeyb ka ah howlgallo joogto ah oo Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee Doolow ay ka wadaan deegaannada hoos yimaada degmada, kuwaas oo lagu sheegay in looga gol leeyahay xaqiijinta amniga iyo xasilloonida shacabka.
Saraakiisha hoggaamineysay hawlgalka ayaa sheegay in uu si guul ah kusoo dhammaaday, ayna ciidamadu sii wadi doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga deegaannada gobolka Gedo.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







