
Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qabatay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Dhalinyarada, oo ku beegan 12-ka Agoosto.
Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowlada Jubbaland, Mudane Cabdirshiid Cabdiraxmaan Caamir, qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Dowladda Jubbaland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada, Mudane Abdullahi Ahmed Abdullahi, Guddoomiyaha Golaha Dhalinyarada, Guddoomiyaha Haweenka Gobolka Jubbada Hoose, Ururrada Bulshada Rayidka ah, aqoonyahanno, haween, dhalinyaro iyo marti-sharaf kale.
12-ka Agoosto, waa maalin caalami ah oo sanad walba loo asteeyo xuska iyo dhiirrigelinta doorka dhalinyarada, iyadoo ay hormuud ka tahay Qaramada Midoobay, waxaana xoogga lagu saaraa da’ayarta kaalintooda ku aaddan horumarka bulshada, nabadda iyo dhismaha mustaqbal wanaagsan.
Munaasabadda ayaa sidoo kale fursad u ahayd in lagu muujiyo muhiimadda ay leedahay in dhalinyarada la siiyo fursado ay kaga qeyb qaataan horumarka, hoggaaminta iyo go’aan-qaadashada bulshada.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







