Dowladda Jubaland oo sharci-darro ku tilmaantay Shirkadda kaluumeeysiga ee SOMTURK, Kana mamnuucday in ay ka kaluumeeysto biyaha dowladda jubbaland

0
70

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Dowladda Jubaland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay  shirkadda SOMTURK ee kalumeeysiga taas oo ay sida wadjir ah u aas aasin shirkada soomali iyo turkiga

War saxafadeed ayaa lagu yiri”Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Dowladda Jubaland Soomaaliya waxay ogeysiinaysaa dhammaan daneeyayaasha kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ee Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka in shirkadda cusub ee SOMTURK, oo ay si wadajir ah u aas-aaseen Shirkadda Kalluumeysiga Soomaaliyeed iyo Kooxda OYAK ee Turkiga, aysan lahayn sharciyad Dastuuri ah oo u oggolaanaysa jiritaankeeda. Sidoo kale, waxay sheegtay in aan la waafaqsanayn heshiisyadii hore ee qaybsiga dakhliga ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaraddu ma aqoonsana aasaaska iyo hawlgalka shirkadda SOMTURK, maadaama aan wax wadatashi ah lagala yeelan Dowladda Jubaland intii lagu jiray dhismaheeda, daahfurkeeda ama hirgelinta hawlaheeda. Iyadoo Wasaaraddu tahay hay’adda sharci ahaan u qaabilsan maamulka kalluumeysiga iyo ka hortagga kalluumeysiga sharci-darrada ah, lagana talo gelin, la ogeysiin, taasi waxay si cad u baalmarsan tahay qodobka 6-aad farqaddiisa 5-aad iyo qodobka 87-aad farqaddiisa 4-aad, 5-aad iyo 6-aad ee Dastuurka Jubaland, kuwaas oo caddeynaya hanaanka maamulka kalluumeysiga iyo khayraadka badda ee hoos yimaada juqraafiyadda Jubaland.

SOMTURK sidoo kale ma ixtiraamin Dastuurka Federaalka Soomaaliya ee lagu heshiiyey 2012, gaar ahaan qodobada 44-aad, 45-aad iyo 54-aad ee khuseeya maamulka khayraadka dabiiciga ah. Sidaas darteed, wax markab ah oo ruqsad ka haysta SOMTURK looma oggolaanayo inuu ka kalluumaysto ama ka hawlgalo biyaha dhuleed ee Jubaland.

Jubaland waxay weli ka go’an tahay ilaalinta nidaamka qaybsiga dakhliga ee horey loogu heshiiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, mana aqbali doonto wax heshiis ama hannaan kasta oo wiiqaya Dastuurka Federaalka ama sharciyada qaranka iyo kuwa Jubaland ee khuseeya xeerarka kalluumeysiga.

Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ixtiraamto nidaamka federaalka iyadoo la yeelanaysa Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka wadatashi dhab ah iyo is-afgarad ku saleysan arrimaha saameynaya hanaanka kalluumeysiga. Sidoo kale, waxay ka fogaanaysaa tallaabooyin hal dhinac ah oo halis gelin kara horumarka laga sameeyey xoojinta dimuqraadiyadda Soomaaliya iyo hay’adaha federaalka.