
Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa uga tacsiyeeyay ehelkii, qaraabadii, bahda maamulka Degmada Dhoobley, iyo guud ahaan shacabka Jubaland geerida naxdinta leh ee ku timid Guddoomiyihii Degmada Dhoobley, Marxuum Xasan Cabdi Xaashi, oo ku geeriyooday shil gaari isagoo howlo shaqo u joogay Gobolka Wajeer ee Dalka Kenya.
Marxuumku wuxuu ahaa masuul hufan oo daacad u ahaa waajibaadkiisa, door muuqda na ka qaatay horumarinta maamulka, adkaynta amniga, u adeegidda bulshada Degmada Dhoobley, iyo horumarinta waxbarashada guud ahaan Jubaland.
Madaxweynaha ayaa Alle SWT uga baryaya Marxuumka inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, bahda maamulka Degmada Dhoobley, iyo guud ahaan shacabka Jubaland.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







