
Howlgal qorsheysan oo ay ciidamada daraawiishta Dowladda Jubbaland ka fuliyeen deegaanka Qumbi ayaa lagu fashiliyay isku day ay xubno ka tirsan Khawaarijtu ku doonayeen inay miino ku aasaan waddo ay si joogto ah u isticmaalaan shacabka.
Ciidamada oo helay xog sirdoon ayaa weerar ku qaaday xubnihii Khawaarijta ee qorsheynayay falkaasi, iyagoo ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan miinooyinkii ay wateen ka hor inta aan la dhigin.
Ciidamada geesiyaasha ah ee Dowladda Jubbaland ayaa habeen iyo maalin u taagan sugidda amniga shacabka, iyagoo howlgallo joogto ah ka wada dhulka howdka ah ee Dhasheeg, Waamo iyo deegaanno kale.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







