Wasiirka waxbarashada Jubbaland iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku tagay Afmadow

0
68
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Jubaland, Mudane Cabdinaasir Seeraar Maax, oo ay wehliyaan Xildhibaanka deegaanka ee DFS Xasan Cabdi iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Jubaland, Marwo Faadumo Cali Cabdikariim, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey degmada Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo safar dhulka ah ay ku gaareen.
Wafdigaan ayaa intii ay ku sugnaayeen Afmadow, waxa ay kulamo miro-dhal ah la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada – sida dhalinyarada, haweenka, odayaasha dhaqanka, iyo maamulka degmada, waxaana kulamadaasi looga hadlay marxaladda guud ee uu dalku marayo, xaaladda dhabta ah ee uu ku sugan yahay, iyo kaalinta bulshada deegaanka ee ku aaddan xoojinta nabadda, horumarka iyo wadajirka iyo difaaca Jubbaland.
Safarka masuuliyiintan ayaa la xiriiray sidii loo dardargalin lahaa howlgalada ay wadaan ciidamada Jubbaland, kuwaas oo guulo wax ku ool ah dhowaan ka soo hooyey dagaalada ka dhanka ah Alshabaab ee ka dhacay maalmahii lasoo dhaafay.
Waxaa kale oo ujeeddada socdaalka kamid ahaa xarig-jarka dugsi cusub oo laga hirgeliyey deegaanka iyo dhagax dhigay saddex dugsi. Sidoo kale waxaa qayb ka ahayd qalabeeynta dugsiga cusub ee gabdhaha ee degmada Afmadow, iyagoo gaarsiiyay agab waxbarasho iyo buugaagta fasalka 12-aad.
Geesta kale, Xildhibaanka ayaa kormeeray isbitaalka guud ee degmada, iyo sidoo kale dhismaha Isbitaal si casri ah loo dhisayo oo lagu soo kordhiyey qeybaha adeegyada caafimaad ee bulshada. Isbitaalkan ayaa wax weyn ka tari doona caafimaadka guud ee bulshada deegaanka.