
Agaasimaha Waaxda Tamarta ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubaland, Mudane Abdisalan Haji Aden, oo booqasho shaqo ku jooga Degmada Luuq, ayaa kormeer ku tagay qaar kamid ah xarumaha waxbarashada ee ka faa’iideystay mashruuca SESRP, kaas oo lagu rakibay nidaamyada tamarta cadceedda ku shaqeeya.
Agaasimaha, oo ay kormeerka ku wehliyeen Isku-duwaha Wasaaradda ee Gobolka Gedo, Isku-duwaha Degmada Luuq, iyo Isku-duwaha Wasaaradda Waxbarashada ee degmada, ayaa indha-indheyn ku sameeyay sida looga faa’iideystay mashruuca.
Waxa uu maamulka dugsiyada Luuq Secondary School iyo Noor Shareeco Secondary School ku dhiirrigeliyay ilaalinta iyo daryeelka qalabka tamarta ee la hirgeliyay.
Sidoo kale, Agaasimaha iyo wafdiga la socday ayaa booqday xarunta shirkadda korontada ee Juba Electric Company, halkaas oo ay kulan kula yeesheen masuuliyiinta shirkadda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii shirkadaha korontada ay uga qeyb qaadan lahaayeen dadaallada Dowladda ee lagu tayeynayo adeegyada korontada, kor loogu qaadayo tayada adeegga, isla markaana bulshada loo gaarsiin lahaa adeeg koronto oo wanaagsan.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







