
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Jubbaland ayaa qabatay munaasabad lagu shaacinayey kala saarista dugsiyada Hoose, Dhexe iyo sare ee Degmada Kismaayo.
Munaasabadda oo ka dhacday Xarunta Dugsiga Farsamada Gacanta ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha & Tacliinta Sare ee Jubbaland, Mudane Cabdinaasir Seeraar Maax, xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda Jubbaland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Maamulayaasha Iskuulada Kismaayo, Macallimiin, Arday iyo qaybaha kale ee bulshada rayidka Jubaland.
Dhammaan dadkii ka hadlay madasha ayaa bogaadiyey dadaallada lagu horumarinayo tayada waxbarashada, iyagoo ku dhiirrigeliyey ardayda iyo dugsiyada inay sii xoojiyaan waxbarashada iyo tartanka aqoonta.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







