
Guddoomiyaha Gobolka Gedo, Maxamed Xuseen Al-Qaadi, oo ku sugan degmada Luuq, ayaa shir guddoomiyey kulan ay yeesheen maamulka degmada, kaas oo looga hadlay xaaladda guud ee magaalada iyo dardargelinta adeegyada bulshada.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray amniga, nadaafadda, waxbarashada, caafimaadka iyo sidii loo xoojin lahaa adeegyada aasaasiga ah ee ay bulshada u baahan tahay. Mas’uuliyiinta degmada ayaa warbixinno ka bixiyey xaaladda hadda jirta iyo caqabadaha hortaagan adeegyada bulshada.
Guddoomiye Al-Qaadi ayaa maamulka degmada ku boorriyey inay laba jibbaaraan dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada, islamarkaana si dhow ula shaqeeyaan shacabka si loo gaaro horumar waara.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







