
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay shirka Guddiga Farsamada ee Adeeg Daadejinta Dowladaha Hoose ee degmada Kismaayo.
Shirkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka kala socday wasaaradaha kala duwan ee Dowladda Jubbaland, iyo maamulka degmada Kismaayo.
Kulanka ayaa ahaa mid muhiim ah oo lagu xoojinayo wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo horumarinta adeegyada loo fidiyo bulshada.
Kulankan muhiimka ah ayaa si gaar ah diiradda u saaray dardargelinta geeddi-socodka adeeg daadejinta, kor u qaadidda tayada adeegyada dowladaha hoose, iyo hubinta in adeegyada aas-aasiga ah ay si hufan ku gaaraan shacabka.
Sidoo kale, waxaa laga dooday caqabadaha jira iyo xalalka suurtagalka ah ee lagu horumarin karo nidaamka dowladaha hoose.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







